Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Bakool

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saakay duleedka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sarkaalka ayaa waxaa la sheegay in la toogtay, xili uu ku sugnaa duleedka Xudur, ayan dileen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad, isagoona u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhacday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona qaaday Meydka Sarkaalka, waxaaan halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.

Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada dilka, iyagoona tilmaamay inay dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Yuusuf Shig-shigoow.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in Sarkaalka uu ahaa duwihii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dilkii saakay ka dhacay duleedka degmada Xudur, waxaana dilkaas uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay gudaha degmadaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor