Faah faahin kasoo baxaysa qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baaya khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Xamarweyne waxaana la sheegay in waxyeeli kasoo gaartay Sarkaal ka tirsan ciidamada Boliiska.

Qaraxa ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay inta u dhaxeysa dhabarka dambe ee wadada marta guriga hooyooyinka iyo barxadda iskaashatooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan ciidanada Boliiska ay waxyeelo kasoo gaartay isaga iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidamo ka tirsan dowkadda ayaa goobta gaaray waxaana ay dadka u diidayeen in lagasoo agdhawaado goobta qaraxu ka dhacay.

Ilaa iyo haatan taliska ciidanka boliisku kama aysan hadal qaraxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media