Faah faahin kasoo baxaysa dil xalay ka dhacay degmo ka tirsan gobolka Banaadir

Wararka aanu helayno ayaa sheegya in koox hubeysan ay xalay fiidnimadii hore ay dil ka geysteen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho iyada oo dilkaas lo geystay Wiil dhalinyaroa ahaa.

Ragaan oo ku heybeysnaa Baastoolado ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi o aheyd Farmashiye ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa oo isku diyaarinayay in uu aado Salaadda Maqribka hase’ahaatee isaga oo qeyb ka mid ah Albabaada goobtiisa ganacsi xiray rasaas lala dhacay sidaasna uu ku geeriyooday.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday ilaa iyo hadana lama oga sababta ka dambeysa dilka wiilka dhalinyarada ahaa ee xalay lagu dilay xaafadda Dabakaayo-madow ee degmada Dharkenle ee gobolka Banaadir.

Dhowr jeer ayaa degmooyinka gobolka Banaadir lagu dilay dad dhalinyaro ahaa oo watay howl maalmeedkooda caadiga iyada o inta badan kooxaha geysta dilkaasna ay goobta iskaga baxsadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media