Faah faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay gobolka mudug.

Wararka aynu ka haleyno gobolka mudug gaar ahaan degaanka Ceel-cabdi ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kadib markii ay wadada ugaleen rag katirsan shabaab ciidamada dowaladda iyo kuwa galmudug oo marayey degaankaas waxaana laso warinayaa qasaaro ka dhashay dagaalkaas.

Dagaalka ayaa lasheegay inuu socday saacado badan islamarkaana labada dhinac ay isku adgeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dadka degaanku ay dalsan usheegeen inay arkayeen qasaaro dhimasha iyo dhaawac ka dhashay dagaalka oo ay ku sheegen 10 ruux oo ubadnaa dhinacyadii dagaalamay.

Wararkii ugu danbeeyey aynu ka heleyno dagaalkaas waxaa ay sheegayaan inay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo taageerayey ciiddamada dowladda ee dagaalka kula galay Al-shabaab degaanka Ceel-cabdi ee gobolka Mudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media