Faah-faahin ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay gobolka Sool

Wararka aynu ka haleyno gobolka Sool gaar ahaan degaanka kala-beyr ayaa ku waramaya in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamo maamulka Soomaaliland.

Wararka ugu danbeeya ee laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in qasaare uu ka dhashay dagaalka oo leh dhimasho iyo dhaawac oo an wali tira ahaan lacayimin, waxaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo daryanka laga maqlayey degaano ka baxsan halka uu ka dhacy dagaalka.

Wali majirto faah-faahin dagaalkaas ay Soomaaliland ka bixisay iyada oo loo badinayo inuu ka dhashay sida la sheegay dagaalka nin Ganacsada ah oo ay isku dayeen sarakiil katirsan Soomaaliland inay kaxeestaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media