Warar kala duwan ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Askari ka rirsanaa Ciidanka Dowladda, waxaana sida xogaha aan helnay ay sheegayaan Askarigaasi dishay Gabar uu xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay.
Dilka ayaa si gaar ah kaga dhacay degmada wadajir, Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Gabadha lagu eedeeyay in xalay saqdii dhaxe ay dilka fulisay.
Ka hor inta uusan dilku dhicin waxaa la sheegay in Gabadha iyo Askariga geeriyooday ay kuwada sugnaayeen guriga,waxaana Marxuumku uu katirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada kumaandooska ee Danab sida ay sheegayaan warar aan helnay.
Haweenayda dilka lagu eedaayay ayaa magaceeda lagu sheegay Nawaal Saalax Cabdulle, waxaana ay labo xabbadood wadnaha uga dhufatay Liibaan Cabdi Daahir oo ahaa askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Qorayga dilka ay ku geesatay gabadha ayaa la sheegay in uu lahaa askariga geeriyooday, ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in gabadhan disho askariga xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay ayna wada joogeen guri kuyaalla degmada Wadajir, waxaana hadda socda baaritaanno sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Gobolka Banaadir.
Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxaa la xiray dad kale oo la sheegay in ay ku sugnaayeen guriga xalay falka dilka ah uu ka dhacay.
Wali Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya faah faahin kama bixin dilkan, waxaana socda baaritaanno dheeeraad ah oo lagu ogaanayo sababaha keenay in Haweenaydani ay ku kacdo falkan naxdinta leh.