Faah faahin:-Guddoomiye Urur oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ay ku dileen Guddoomiyihii Ururka dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Maamulka Koonfur.

Dad ku sugan Baydhabo ayaa ku warramay in Guddoomiyaha Ururka ay toogteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan, kuwaasi oo falka kadib goobta ugu baxsaday luuq yar oo ku yaalla halkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Shariif Mukhtaar Jiis, kaas oo la sheegay inuu si weyn ugu doodi jiray dadka baahiyaha Gaarka ah qaba ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee Maamulkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Marxuum Shariif la toogtay xili uu ku sugnaa agagaarka xero ay degan yihiin dad Barakacaayaal ah, waxaanta goobta uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska  Koonfur Galbeed, iyagoo Meydka qaaday

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaanta inta badan  dilalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media