Faah Faahin: Ganacsade goordhaweyd lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Saaaka loo gaystay mid ah mid ah Ganacsatada Magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xariir dilkaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Saaka koox huebysan ay Degmada Wadajir gaar ahaan Suuqa Weyn ay ku dileen Ganacsade si weyn looga garanayay suuqa, kaasi oo ka mid ahaa Ganacsatada.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Abdullahi mohamud waxaana uu ku magic-dheeraa “Daahir jugle”.

Dad goob joogayaal ah ayaa shaaciyay in Ganacsadaha ay dileen koox Bistoolado ku hubeysan,kuwaasi oo sida la sheegauy goobta isaga baxday markii ay dilka fuliyeen.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ahi ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dableydii weerarkaasi fulisay, inkastoo ilaa iyo hadda aan lashaacin cid loo soo qabtay dilka Ganacsadahaasi.

Dilkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qoprsheysan oo loo gaysanayay nabaddoonnada iyo ganacsatada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor