Faah faahin:-Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Bari

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Deegaanada la duqeyay ayaa waxaa kamid ahaa Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari,iyadoo halkaasi ay Saldhig ku lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhowr Gantaal lagu dhuftay Ceel ay biyo ka dhaansanaayeen Dagaalamayaasha Daacish,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in duqeyta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo Caan ka ahaa deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa iyagana xusay inay maqlayeen Jug culus oo dhaceysa,isla markaana ay arkayeen qiiq iyo uuro cirka isku shareertay,hayeeshee ay soo wajahday Cabsi.

Deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish,waxaana halkaasi dhawaan duqeyn ka dhacday lagu dilay xubni sare oo ka tirsanaa Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media