HomeWararFaah faahin: Duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Faah faahin: Duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab. War lagu baahiyay Warbaahinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe fuliyeen howgalkaasi. Howlgal oo ahaa sida […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

War lagu baahiyay Warbaahinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe fuliyeen howgalkaasi.

- Advertisement -

Howlgal oo ahaa sida la sheegay mid qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa si gaar ah waxaa looga  fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo AS ah, waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay warbaahinta Ciidamada Dowladda.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhaxe fuliyay Diyaaradaha dagaalka, waxaana si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii la soo dhaafay AS isku uruursanayeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts