Faah faahin:-Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geestay Gobolka Jubbada dhexe

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geesteen halkaas duqeyntaas oo geysatay khasaaro kal duwan.

Duqeyntan ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay dhacday, iyadoo la sheegay in duqeynta ay ka dhacday tuulo lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare oo u dhaxeysa Jilib iyo Magaalada Kamsuuma oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Diyaardaha dagaalka ee duqeynta geestay ayaa la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka mareykanka,waxana la sheegay in Fariisimo Al-Shabaab ay deegaanka Axmed Yare ku leeyihiin la bartilmaaedsaday.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale diyaarado dagaal ay duqeeyeen,waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in duqeymahaas lagu dilay Saraakiil Sar Sare oo ka tirsn Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media