Faah faahin:-Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir,isla markaana waxaa Askariga falkaas u geystay rag dhalinyaro ahaa oo watay Bastoolado,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo halkaas ka qaaday Meydka Askariga la toogtay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in halkaas ay ka baxsadeen kooxihii fuliyay dilka Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media