Faah faahin:-Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo Askari  ka tirsan Ciidanka  maamulka Koonfur Galbeed ku dilay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dad ku sugan Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan halkaas, isla markaana rag hubeysan ay toogteen Askariga, isagoo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Ragii ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Meydka ka qaaday halkaas.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka loo geystay Askariga, iyagoo tilmaamay in falka kadib ay horey u qaateen qori noociisu yahay AK47  oo uu ku hubeysnaa askariga la toogtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media