Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Maanta Duleedka Muqdisho ku toogtay Nin ka tirsanaa Ergadii Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Waydoow ee Duleedka Muqdisho,isla markaana loo geystay Nin ka tirsanaa Ergadii Doorashada ee Koonfur Galbeed.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan, xili oo ku sugnaa Deegaanka Waydoow ee Duleedka Muqdisho,waxaana dilka ku fuliyay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,iyagoona durbo goobta ka baxsaday.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay falka dilka ah.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada iyo dad shacab ah.