Faah faahin:-Dil ka dhacay Degmada Kaaraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Radio Dalsan u sheegay in dilkan uu ka dhacay Xaafada Arjentiin ee Degmada Kaaraan,isla markaana rag  hubeysnaa Bastoolado ay askariga toogteen xili uu halkaasi ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada ayaa la tilmaamay inay goobta uu falka ka dhacay ay tageen,iyagoo goobta ka qaaday Meydka marxuumka,sidoo kalena sameeyay baaritaano aan wax natiijio ah ka soo bixin.

Kooxihii ku hubeysnaa Bastooladaha ayaa durbo goobta si degdeg ah ugu baxsaday luuq yar halkaasi ka Agdhawaa,kadib markii ay fuliyeen dilka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in askariga la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Caddow oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waa dilkii labaad ee ka dhacay Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media