Faah Faahin:-Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Qoryooley & Howlgal ka socda

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellahah Hoose.

Dagaalka ka dhacay Qoryooley ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii dagaalyhano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga degmadaasi,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan,isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Guddoomiyaha degmada Qoryooley ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha deegaanka Degmadaasi ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay, waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray Guddoomiye kuxigeeka Qoryooley uu yahay mid culus ,kaasi oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa saakay waxa ay howlgalo ka wadaan Xaafaddo ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha.

Ciidamada ayaa waxaa in howgalka ay ku soo qabteen dad dhowr ah,kuwaasi oo la xiriirinayo falal amni daro,waxaana xaalada degmadaasi tahay mid degan,kadib markii xalay dagaal uu ka dhacay.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxa ay weeraro ku qaadaan Saldhigyo Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media