Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dagaalkaasi uu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Ciidamo ka tirsan dowlada iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro kala duwan oo geysta Khasaarooyin ay ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.