Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo Koonfurta Somaliya.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerareen Saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Buusaar, xalay saqdii dhexe.
Xoogaga Shabaab iyo ciidanka ayaa isku adeegsaday dagaalkooda hubka fudud iyo midka culus, sida ay soo wariyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo xalay ka seexan waayay rasaastii la isku adeegsanaayay.
Dhinacyadii dagaalamay ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah oo ku aadan rasaas habow ah oo guryahooda ugu gashay.
“Dagaalka wuuu cuslaa waan ka seexan waynay, saqdii dhexe ayaan maqalnay rasaas kala duwan oo ka dhaceysa Magaalada, haa waa jiraan dad shacab ah baan maqlaayay oo rasaas guryahooda ugu tagtay ku waxyeeloobay, saaka xaaladda waa ay degan tahay.†Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.