Faah faahin:-Dagaal dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Degmada Jalalaqsi

Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu ka dhacay dagaal u dheexeya Ciidanka AMISOM gaar ahaan Jabuuti iyo Ciidamo ka amar qaata maamulka Degmadaas.

Dagaalkan oo ahaa mid kooban ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Jabuuti ay isku dayeen inay demiyaan Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud xili ay doonayeen in howlgal Miino baaris ah ay sameeyaan,hayeeshee arrintaas ay ka hor istaageen Ciidanka maamulka Degmada Jalalaqsi.

Dadka deeagaanka ayaa waxaa ay sheegeen in labada Ciidan ay isdhaafsadeen rasaas xoogan oo sababtay Khasaaro,in kastoo aysan Cadeyn karin inata uu la egyahay.

Wararka ayaa inatasi  waxaa ay ku darayaan in Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Ciidanka Jalalaqsi ay isku hor fadhiyaan halkaas,isla markaana marar qaar la maqlayo rasaas goos-goos ah.

Ciidanka Jabuuti ayaa saakay doonayay in howgal miino baaris ah ay ka sameeyaan duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,iyagoona xiliyada ay howlgalada sameeyaan la demiyo Anteenada Isgaarsiinta Shirka Hormuud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media