Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday.
Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray Ciidan Ilaalo ka haayay Xarunta Baarlamaanka oo taabacsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Ciidan kale oo ka socday dhanka Madaxtooyada.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mar qura dhanka Xarunta Baarlamaanka Puntland ay ka bilaabatay rasaas xoogan oo laga maqlayay inta badan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garoowe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ilaalada Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo kuwa socday dhanka Madaxtooyada maamulkaas ay isku hor fadhiyaan aaga Xarunta Baarlamaanka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana ku geeriyooday hal Askari, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo labada dhinac ah sida la xusay.
Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xaalad siyaasadeed, iyadoo la sheegayo inuu socdo olole Mooshin looga keenayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed.