Faah Faahin:-Dagaal Caawa ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Waxaa caawa Kooxo hubeysan salaadii maqrib kadib weerar ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in kooxda hubeysan ay weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ilaalada Saldhiga Boolisa Degmada Yaaqshiid uu dagaal toos ah dhexmaray,kaasi oo socday muddo daqiiqado ah

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo aan la garan waxa ay yihiin Caawa weerar ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid,iyagoo tilmaamay in ay maqleen rasaas xoogan oo labada dhinac ah.

Ugu yaraan hal ruux ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerarkaan lagu soo qaaday Saldhiga Boolisa Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Intii uu weerarka socday ayaa la tilmaamay in uu hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana hada xaalada ay tahay mid degan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Yaaqshiid oo ku aadan weerarkan Caawa lagu qaaday Saldhiga Degmadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media