Faah faahin:-Ciidamo weerar ku qaaday Guriga Taliyaha Ciidanka Haramcad

Ciidanka Booliska Dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay Israsaaseeyn kooban ku dhexmartay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Israsaaseynta labada Ciidan ayaa ka dambeeysay, kadib markii Askar ka tirsan Ciidanka Asluubta ay weerar ku qaadeen Guriga Taliyaha Ciidanka Booliska Haramcad Farxaan Maxamuud Qaroole oo ku yaalla Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa ku warraamay in Ciidanka Ilaalada Taliye Farxaan ay iska caabiyeen Ciidankii weeraray Guriga Taliyaha, isla markaana qaar kamid ah Askarta gacanta lagu dhigay.

Weli lama oga sababta keentay weerarka lagu qaaday Taliye Farxaan, hayeeshee Ciidanka Booliska ayaa qabtay 6 Askari oo la tilmaamay in weerarka ay fuliyeen, kuwaasi oo lagu xiray Xarunta dembi baarista ee CID-da.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Askarta lagu qabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media