Faah faahin:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Qarax lala eegtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo saacadihii lasoo dhaafay Qarax lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Kolonyada ay la socdeen  Ciidanka Burundi lala eegtay xili ay socdaal ku marayeen duleedka degmada Mahadaay, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tiro kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahoda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii lala eegtay Ciidanka Burundi ee ku socdaalayay degmada Mahadaay, iyagoona xusay in halkaas ay ku dileen laba Askari oo Burundi ah, kuwo kalena ay dhaawaceen.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media