Warar kala duwan ayaa kasooo baxa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo goordhaweyd lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqshid ee Gobollani Banaadir.
Wararka aan helnaya ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhaweyd Meel u dhaw Saldhigga Degmada Yaaqshid lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Degmada Yaaqshid, waxaana Magaciisa lagu soo koobay Cumar Idriis, sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Dilka ayaa waxaa fuliyay dabley Bistoolado ku hubeysan, kuwaasi oo sida la sheegay goobta isaga baxsaday dilka kadib, waxaana goobta gaaray Ciidanka Dowladda kuwaasi oo sameeyay baaritaanno aan ilaa iyo hadda la shaacin cidda lagu soo qabtay.
Askariga la dilay ayaa wararku waxaa ay intaa ku darayaan in uu ahaa oobbi qoraha Saldhiga Degmada Yaaqshiid.
Wali laamaha ammaanka Gobolkani Banaadir iyo Maamulka Degmada Yaaqshid wax war ah kama soo saarin dilka Askariga, sidoo kalena ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyadda dilkanoo gaystay Askarigaasi ka tirsanaa Saldhigha Degmada Yaaqshid.