Faah faahin:-Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo lagu dilay Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya  oo Maanta lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka loo geystay Askariga ka tirsanaa Dowladda uu ka dambeeyay Askari kale oo isna ka tirsan Ciidanka, kaasi oo isku dayay inuu baxsado, hayeeshee la qabtay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in labada Askariga marka hore uu muran aan la faahfaahin wax uu ku saabsanaa uu soo kala dhexgalay, hayeeshee markii dambe mid kamid ah Askarta uu toogtay Askarigii kale.

Ilo xog-ogaal oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in Askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa la qabtay, isla markaana lagu xiray Xabsi ku yaalla halkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb eev Caasimadda maamulka, kaasi oo ku aadan Askarigii Maanta lagu toogtay qeybo kamid ah Magaaladaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media