Xalay fiidkii ayaa xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar qaraxyo ku bilaawday ka geysteen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday laba qarax oo xooggan, kuwaasoo jugtooda si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhow degmada. Qaraxyada kadib, dagaal toos ah ayaa ka qarxay, kaasoo dhexmaray ciidamada Booliska Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Weerarka ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska. Sida warar goobjoogayaal ahi sheegeen, jugta qaraxyada ayaa huradada ka toosisay dadka deegaanka, waxaana xigtay rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsadeen.
Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi ka dhashay. Weerarku wuxuu dhacay xilli habeen ah, taasoo adag ka dhigaysa in si dhaqso ah loo helo xogta saxda ah ee ku saabsan tirada dhimashada ama dhaawaca.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowr mar oo hore sidan oo kale Al-Shabaab ay qaraxyo iyo dagaallo ka fulisay degmada Kaxda, gaar ahaan saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kale ee dowladda ku leedahay halkaas. Tani waxay qayb ka tahay weerarrada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ka wadaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyagoo bartilmaameedsanaya ciidanka ammaanka iyo xarumaha dowladeed.