HomeWararEthiopia oo xukun ku riday dad lala xiriirinayo Alshabaab.

Ethiopia oo xukun ku riday dad lala xiriirinayo Alshabaab.

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

28 Eedeysane ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee Federalka Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay ku hawlanaayeen sidii ay Dowlad Islaami kaga dhawaaqi lahaayeen gudaha Ethiopia.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay inay Eedeysanayaasha Tababaro Milliteri ku soo qaateen gudaha Somalia tan iyo sannadkii 2003-dii, isla markaana la sheegay inay Alshabaab ku biireen sannadkii 2006-dii.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Sare ee Federalka Ethiopia waxay kaloo sheegeen inay 28-ka Eedeysane ay Alshabaab ka barbar dagaalameen iska horimaadyo ka dhaca qeybaha Somalia, gaar ahaan weeraro lagu qaaday Ciiddanka AMISOM.

Sidoo kale, Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogay inay qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan gudaha Ethiopia tan iyo sannadkii 2011-kii.

Ugu dambeyntii, Garsooraha Maxkamadda Sare ee Federalka Ethiopia, waxa uu 28-ka Eedeysane ku kala xukumay Xabsi u dhexeeya 4 bilood ilaa 21-sanno.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories