Eritrea oo lagu eedeeyay in ay TPLF ku duushay

Afhayeen u hadlay fallaagada Tigray ee TPLF ayaa sheegay in ciidammada dalka dariska ah ee Eritrea ay duullaan dhammaystiran ku soo qaadeen gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Getachew Reda, ayaa sheegay in dagaal culus uu ka soconayo dhowr aag oo ku teedsan xadka.

Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkaasi, halka dowladaha Itoobiya iyo Eritrea aanay arrintaasi wax war ah ka soo saarin.

Fallaagada TPLF ayaa ku dhawaad laba sanadood waxa ay dagaal kula jireen ciidammda federaalka ee Itoobiya iyo xulafadooda.

Bishii Nofeembar ee 2020-kii ayey aheyd markii dowladda Eritrea ciidammadeeda u dirtay gobolka Tigray si ay u baritaaraan milateriga Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor