Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Djibouti Madaxweyne Ismail Omar Gelle, waxaana ugu horeeyn uu gaarsiiyay Madaxweynaha salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud.

Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmaray isaga iyo Ergeyga waxaa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doona.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha uu u muujiay sida dowladda DJIBOUTI ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed.

Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wadahadallada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor