Ergeyga Arrimaha Somaliland oo Warbixin siiyay Safiirka Midowga YURUB ee Somalia

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga YURUB Mrs Tiina Intelmann.

Kulanka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Mrs Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply