Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Doolow

Ergayga gaarka ah ee Abaaraha u Qaabilsan Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasi oo xaalado bani’aadanimo oo ba’an ay ka taagan yihiin.

Socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Doolow ayaa ah mid ku aaddan gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen eek u nool Doolow iyo degaanada kale ee hoos yimaada.

Tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu Magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan waxaa uu waday dadaallo xooggan oo ku aaddan sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka Abaaruhu saameeyeen.

Waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka socda hay’adaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo Safiirrada dalalka taageera Soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor