Ergeyga Abaaraha dalka oo Warbixin siiyey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Md. Larry E. Andre iyo Marwo Kate Foster.

Ergeyga ayaa safiirrada la wadaagay marxaladda abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay ugu danbeeyeen xaaladaha qallafsan ee uu ku soo arkay degaannada uu socdaalka ku tagay. Sidoo kale, wuxuu danjirayaasha ka dhageystay halka ay marayaan dadaallada safaaraduhu wadaan ee lagu garab istaagayo dadka abaaruhu saaameeyeen.

Safiirka Maraykanka Larry Andre ayaa Egeyga faahfaahin ka siiyey sida hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka la shaqeeya loogu kala qoondeeyay, hab-maamulka deeq dheeraad ah oo gaareysa $476 milyan oo Mareykanku dhawaan ku kordhiyay tirada lacagta guud ee uu ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda iyo dadalka is barbar socda ee ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka oo ay garagaarka iyo garab istaagga dadka wax-yeellada abaaurtu gaartay xoojiyaan.

Dhanka kale, Ergeygu wuxuu dhinacyada kala hadlay sidii diiradda loo saari lahaa in indhaha caalamka lagu soo jeediyo abaarta daran ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, inta lagu guda jiro shirka heerkiisu sarreeyo ah ee looga hadlayo gurmadka abaaraha ee ka dhacaya Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor