Ergey C/raxmaan C/Shakuur iyo wafdi la socday oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa gaaray Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdigiisa ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna Ergeyda ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Ujeedka Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu yahay sidii uu qiimeyn ugu soo sameyn lahaa xaaladda Abaaraha baahsan ee ka jira deegaano iyo degmooyinka Puntland, isagoona booqasho ku tagayo meelaha ay sida daran dadka Abaarta ugu sameeysay.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu wada-hadallo la yeesho Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Puntland oo uu kala hadli doono arrimo ku aadan gurmadka abaaraha, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan in C/raxmaan C/Shakuur uu Puntland ku tegay dalab usoo diray Guddoonka Baarlamaanka Puntland

Booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay socdaal ay Magaalada Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Gobolka Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor