Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia oo soo saaray Magaalada Muqdisho

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ‘si uu ula wareego howlihiisa’, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS.

Wixii ka horreeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.’

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor