Erdogan oo ka qeyb galay tababar loo xiray Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab-Dayib Erdogan iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, sidoo kale waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Intii munaasbadda socotay Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn taageero u siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana u tababarta Ciidamada qeybahooda kala duwan, iyadoona sanadkaan gudihiisa kumanaan Ciidan tababartay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor