In ka badan 30 Odayaal Dhaqameed oo weli ku xiran Magaalada Jowhar

Waxaa habeenkii labaad ku hoyanaya Xabsi ku yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle,Odayaashii ka qeyb galayay Gogoshii Nabadeed ee loo dhigay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle.

Odayaashaan oo gaaraya ilaa 34 Oday ayaa lagu xiray amar ka soo baxay madaxweynaha Kmg,ka ah ee Maamulka Hir-Shabeelle ahna madaxweynebku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xusen kadib markii ay isku fahmi waayeen wadahadalkii ay u fadhiyeen.

Qaar ka mid ah waxgaradka Shabeellaha dhexe dhaliilay talaabada lagu xiray Odayaashaas,kuwaas oo sheegaya in aan wado sax ah loo marin.

Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle dhankooda kama hadlin xarigaas iyo waxa sababay,iyada oo ay xusid mudan tahay in Gogoshii Nabadeed waayadaanba ay hakad ku jirtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media