Daacish oo la sheegay inay surka ka jareen Askar u dhalatay dalka Libya

Ugu yaraan maydadka 11 Askari ayaa laga helay Bar Kontorool oo ku taalla deegaan qoyaastii 500 KM dhanka Koonfurta kaga toosancaasimadda dalkaasi ee Libya.

Afhayeenka u hadlay Ciiddanka taabacsan Sarkaalka Milliteri ee Khalifa Haftar waxa uu dilkaasi ku eedeeyey Kooxda Daacish oo horey looga qabsaday magaallooyin ku yaalla Bariga dalkaasi.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Ahmed Al-mesmari waxa uu tilmaamay inay Maleeshiyadda Daacish surka ka jareen 9 Askari iyo 2 qof oo rayid ahaa, kuwaaso oo ku sugnaa Bar Kontorool oo ku taalla Gobalka Al-jufra
ee dalkaasi.

Ciiddanka uu hoggaamiyo Khalifa Xaftar waxay horey Daacish ugala wareegeen Saldhig Milliteri oo muhiim ah oo ku yaalla magaalladda Benqaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media