Waxaa xalay Isgoyska Dabka ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay Wiil iyo Gabar isla dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge.
Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo saarnaa gaari Cabdi Bile ah ayaa rasaas ku furay Mooto Bajaaj oo ay saarnaayeen Sakariye iyo Sowdo, xili marayeen Isgoyska Dabka ee Muqdisho, iyagoona goobta ku geeriyooday labadooda.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in xiligii Askarta ay furayeen rasaasta uu Isgoyska Dabka ka jiray mashquul badan, isla markaana Ciidamada ay rasaasta riday doonayeen inay wadada ku furtaan, balse ay ku dhacday Mooto ay saarnaayeen walaalaha dhintay.
Ehelada Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Meydadka labada Marxuum la aasi doonin ilaa Cadaalad ay ka helaan, lana soo qabto Ciidankii falkaas geystay.
Ehelada ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ka Codsaday in Cadaalada la horkeeno Askartii ka dambeysay dilka loo geystay Sakariye iyo Sowdo oo ahaa dhallinyaro waxbartay.
Allaha u naxariistee Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge ayaa xiligii la dilayey Casho u soo doonay walaashood ka weyn oo Isbitaal ku jirta, isla markaana xaamilo ah, balse inta aysan gaarin Isbitaalka ayaa dilay walaalaha.