Eedeysanayaal loo soo xiray boob loo geystay Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali

Dhowr Eedeysane ayaa la soo xiray, kadib, markii ay weerareen, isla markaana ay dhaceen Goobo Gnaacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin Deegaanka Fosloruus oo dhanka Koonfurta Afrika kaga toosan Magaalladda Bokesbarg ee Gobalka Guteng ee dalkaasi.

Afhayeenka Boliska Guteng, Kay Makhubela ayaa sheegay in Eedeysanaha la daba galay, kadib, markii ay weerar iyo dhac u geysteen Dukaamo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaali ah.

Afhayeenka ma xaqiijinin wararka sheegaya in Muwaadin Soomaali ah lagu dilay intii ay dableyda ku guda-jiraan boobka ka dhacay Deegaankaasi, wuxuuna eedeyn u jeediyey dadka wax ku qora Baraha Bulsjadda sida Twitterka oo u usheegay inay daabacaan warar aan la xaqiijinin.

Sidoo kale Afhayeenka Boliska Guteng, Kay Makhubela waxa uu tilmaamay inay Boliska ku raad joogaan qaar ka mid ah Eedeysanayaashi idhaca u geysatay Ganacsatadda Soomaalida, wuxuuna dadweynuhu ugu baaqay inay gacan ka geystana Baaritaanadaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media