Eedeysanayaal lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda Garissa oo mar kale la soo maxkamadeeyey

Nin u dhashay dalka Tanzania iyo Afar ka soo jeeda Soomaalida Kenya ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi, iyagoo lagu soo oogay 162 eedeyn iyo inay ka dambeeyeen dilkii 148 qof oo lagu dilay weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii April ku qaadeen Jaamacadda Garissa.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Mohamed Ali Abdi-kar, Hassan Aden Hassan, Sahal Diriye, Osman Abdi iyo Rashid Charles ayaa la soo taagay Maxkamadda  Milimani ee magaalladda Nairobi.

Eedeysanayaasha wey beeniyeen dhamaan dembiyaddii lagu soo oogay.

Garsoorihii Maxkamadda waxa uu ku gacan-sayray in Eedeysanayaasha lagu sii daayo damiin lacageed, waxaana la amray in Xabsiga lagu sii hayo ilaa bishan June 11-da.

Dhinaca kale, Dhegeysiga Dacwadda Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo bisha August 24-da ilaa 25-da ee sannadkan.

© Warqabadka Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor