HomeWararEedeeysane qirtay in uu ballamiyay Gabar la sheegay in kufsi iyo dil...

Eedeeysane qirtay in uu ballamiyay Gabar la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay Muqdisho  

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Eedeysane loo haysto in uu ku lug laha dilkii loo gaystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa qirtay in uu isagu  ballamiyay uuna geeayay dabaqa la sheegay in  Gabadha laga soo tuuray. Eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan ayaa qirtay in gabadha ay ku ballansaayeen Suuqa Bakaaraha, balse ay u suura gali weyday in ay halkaas ku kulmaan, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Eedeysane loo haysto in uu ku lug laha dilkii loo gaystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa qirtay in uu isagu  ballamiyay uuna geeayay dabaqa la sheegay in  Gabadha laga soo tuuray.

Eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan ayaa qirtay in gabadha ay ku ballansaayeen Suuqa Bakaaraha, balse ay u suura gali weyday in ay halkaas ku kulmaan, waxaana uu sheegay in markii dambe ay tageen guri ku yaalla Taree biyaano.

- Advertisement -

“Waxaan ku ballanay suuqa Bakaaraha, balse waxaan ka weynay meel aan ku kulano, meesha oo buuq aahyd awgeed, kadib waxaan aadnay Guri ku yaaalla Taree Biyaano, wax yar markaan qolka ku jiray waan kululaaday, waxaana aaday Suuliga  si aan u soo qubeysto, waxaana qaatay Gabadha Kabaheeda, balse markaan kasoo baxay Suuliga waxaan waayay gabadhii, kadibna Telefankeeda ayaan wacay, waxaana la ii sheegay in ay shil gashay oo ay dabaqa kasoo dhacday” ayuu yiri Edeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan.

Eedeysanaha oo qirtay in  Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax uu ballamiyay ayaa sheegay in uu isku dayay in uu gabadha Cusbitaalka uga daba tago si uu usoo ogaado waxa jira, balse waxaa uu sheegay in uu ka cabsaday in dambiga dusha laga saaro sidaa darteedna uu Magaalada ka cararay, waxaana uu sheegay in Saxiib kiis uu kula taliyay in uu isaga haro Gabadha, waxaana uu sheegay in uusan gabadha isagu dabaqa kasoo tuurin.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa la sheegay in la kufsaday kadibna guri dabaq ah laga soo tuuray, waxana kiiska Marxuumadda loo soo xiray dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay in ay ku lugleeyihiin kufsiga, waxaana Eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan uu ka mid ahaa dadka sida gaarka ah loogu tuhmayay falka, waxaana lagU qabtay magaalada cadaado oo uu si dhuumaalaysi ah ku joogay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts