Duufaan xoogan oo ku wajahan Gobol ku yaalla Mareykanka

Duufaanta Dorian ayaa u muuqata mid gaabis ku socota ilaa iyo hadda, xilli ay ku wajahantay xeebaha gobolka Florida.

Hase yeeshee, khubarrada ayaa ka digaya in taasi ay macnaheedu tahay in dadka ku nool Florida iyo gobollada ku dherersan xeebaha Koofurbari ee Mareykanka ay u qaataan in duufaantu ay istaagtay.

Saraakiisha Shaadaasha Hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in Duufaanta Dorian ay sii xoogeysa doono una dhaqaaqi doonto iyada oo dabeylo khatar ah wadata, gobollada Florida iyo Georgia Arbacada.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xoogan ku mari doono gobollada Waqooyiga iyo Koofurta Carolina.

Khubarada Mareykanka ugu qaabilsan duufaannada ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ku nool gobollada ku teedsan badda Atlaantiga, laga soo billaabo Maryland ilaa New York ay muujifiyaan feejignaan dheeraad ah ishana ku hayaan xaaladda duufaanta Dorian.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media