Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Is-miidaamin ah oo galabdhicii galabta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan afaafka hore ee Xarunta degmada oo ku qarxay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii ka dhacay degmada Jalalaqsi, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ay isugu jiraan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qarxu ka dhacay oo burbur xooggan uu ka muuqdo.
In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Jalalaqsi Maxamed Cumar Nuur Cagajoof Dabaashe iyo duqii magaaladaas Aadan Maxamed Ciise ayaa ku dhintay qaraxii Jalalaqsi, sida uu BBC-da u sheegay Taliyaha Booliska Jalalaqsi Maxamuud Shire Xuseen.
Sidoo kale dhowr ayaa ku dhaawacmay qaraxii dhacay, Taliyuhu waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa waday uu doonayay inuu isku qarxiyo buundada kor marta webiga Shabeelle, balse ay ciidanku rasaaseeyeen sidaasna uu ku qarxay gaariga qaraxa siday.
Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyadoo isla galabta qarax Is-miidaamin ah Al-shabaab ay ku burburisay Buundada magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada Dhexe illaa Muqdisho.