Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan

Diyaarado dagaal ayaa fiidkii hore ee xalay waxa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobalka hiraan kuwaas oo ay saldhigyo ku lahaayeen Alshabaab sida ay shaaciyeen masuuliyiin u hadlay maamulka gobalka Hiiraan.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday tuulooyin ay maamulkaan Alshabaab oo hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan mana jirta ilaa iyo haatan cid xaqiijin karta khasaaraha soo gaaray ShabaabShabaab marka laga tago maamulka gobalka oo sheegay in ay jirto duqeyntaas dibna ay faah faahin ka bixin doonaa .

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay sheegay in ay kaba gantaal ku dhufteen tuulada koobaad halka tan Kalana uu ku dhacay hal gantaan oo diyaaradi tuurtay sida ay ku warameen Ilo deegaanka ah oo diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta sababo la xiriira amnigooda.

Maraykanka ayaa horay u sheegtay duqeymo diyaaradeed oo sidaan oo kale uga dhacay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan kuwaas oo lala beegsaday saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media