Duqeyn diyaaradeed oo Caawa ka dhacday Gobolka Hiiraan

Wararka Caawa naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in deegaan ka tirsan Gobolkaasi ay ka dhacday duqeyn Diyaaradeed.

Duqeyntaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Baacyar  oo dhanka Koonfur uga beegan deegaanka luuq Jeeloow ee Gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in ay maqlayeen Jug xoogan oo ku dhaceysa fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Baacyar,isla markaana ay arkayeen holac iyo Uuro ka baxeysa goobta.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Caawa hawada sare ee Deegaanka Baacyar ee Gobolka Hiiraan lagu arkayo Diyaarado dagaal oo joog hoos ku socda,kuwaasi oo cabsi xoogan ku abuuray dadka deegaankaasi.

Ilaa iyo hadda lama Og Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in duqeyntaasi ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media