Duqeyn Caawa ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka Caawa naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaan ka tirsan gobolkaas.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Goodirleey oo 10km Koonfur ugu beegan deegaanka Caad ee isla Gobolka Mudug.

Dad ku sugan deegaanka Caad ayaa u sheegay Radio Dalsan in ay maqlayeen dahwaqa jugta,sidoo kalena Guuxa Diyaaradaha oo dulmaraya Hawada Caawa maqlay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.

khasaaro ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay duqeyntaas,waxaana xaalad kacsanan ah Caawa laga dareemayaa deegaanka Goodirleey ee Gobolka Mudug,iyada oo dadka deegaankaas ay sheegeen in ay cabsi dareemayaan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa tiro dhowr ah waxaa duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxaana Mareykanka uu sheegay in uu duqeymahaas ku dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor