Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay duqeymo culus ka dhaceen gudaha degmada, kuwaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa lala eegtay godad iyo fadhiisimo muhiim ah oo la rumeysan yahay inay kooxdaasi isticmaali jirtay.
Inkasta oo aan wali la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradaasi, haddana waxay duqeymuhu ku soo beegmeen saacado kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay duleedka Aadan Yabaal. Dagaalkaas ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo la sheegay inuu gaaray labada dhinac, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ku dhowaad 20 qof ay ku dhinteen, inta badan ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Moqokori, Maxaas iyo deegaano kale oo gobolka Hiiraan ah ayaa gaaray aagga Aadan Yabaal si ay u taageeraan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo degmada iyo nawaaxigeeda.
Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay go’aan adag ka gaareen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo dagaallo kale ay ka socdaan xuduudka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la beegsanayo xarumo kale oo alshabaab ay ku leedahay.