Diyaarado dagaal oo aan weli la shaacin dalalka ay ka socdaan ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeymaha ayaa si gaar ah loogu beegsaday gaadiid dagaal oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo. War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in la burburiyay gaadiidkii la qarxin lahaa, iyadoo sidoo kale la weeraray goob keyd hub ah oo kooxdaasi ku lahayd isla degmadaasi.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda, weerarka ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha Alshabaab ee ka howlgala bartamaha dalka, gaar ahaan goobaha ay ka wadaan diyaargarowga weerarada qaraxyada ah.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan degmada Aadan Yabaal ay ka dhacday duqeyn kale oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo muujinaysa sii socoshada gulufka militari ee ka dhanka ah kooxdaasi.