Duqa Muqdisho “Waxaa naga Go’an fududeynta isku socodka Dadweynaha & Gaadiidka”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Buundo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha istecmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Ardeyda wax ka barta Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir.

Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle, iyadoona ay noqoneyso markii ugu horeesay oo Buundo nuucaan oo loogu tala galay fududeynta isku socodka dadweynaha laga hirgeliyo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xusay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Magaalada Muqdisho,

Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor