Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun Degmo oo dib u dhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Axad ah xariga ka jaray xarunta Degmada Shibis oo dib udhis casri ah lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig jarka ee Xarunta Degmada Shibis ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka degmadaas iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana Xarigjar kadib uu Cumar Finish kormeeray qeybaha kala duwan ee Xarunta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhaqaala-hooda ku bixiyaan horumarinta Caasimadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media